Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo ka qaybgalay shirka madasha wadatashiga qaran

Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa galinkii danbe ee maanta ka qaybgalay shirka golaha wadashiga ee dowladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah.

Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa shirka looga dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladda deegaanada SSC-Khaatumo.

Agendaha shirka ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah lagu daro in Madasha Wadatashigu cod u qaado in maamulka SSC-Khaatumo lagu daro xubnimada rasmiga ah ee madasha wadatashiga qaran.

PUNTLAND POST