
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in mid kamid ah shaqaalaheeda lagu dilay, mid kalena lagu dhaawacay xili ay ku sii socdeen isbitaal ku yaala dhinaca koonfureed ee Qasa, Isniintii.
Waxay sheegtay in shaqaalaheedu ay la socdeen gaari UN-tu leedahay kuna sii jeedeen isbitaal yurubiyaan ah oo ku dhaw Rafax markii ay rasaasi haleeshay.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in baarista horudhaca ah ay muujinayso in gaariga ay haleeshay rasaas isagoo maraya aag iska hor’imaad uu ka jiray, isla markaana aan lala socon in uu halkaas soo mari doono.
Ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay heleen warbixin uga timid waaxda amaanka iyo nabadgalyada ee Qaramada Midoobay (UNDSS) taas oo lagu sheegayo in labo shaqaalahooda kamid ah lagu dhaawacay aagga Rafax – dhinaca koonfureed ee Qasa – Isniintii.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.