Ciidanka PMPF oo gacanta ku dhigay nin ku hubaysan walxaha qarxa

Ciidanka PMPF oo howlgallo ka sameeyey xalay saqdii dhexe magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay nin ku hubaysan walxaha qarxa, kaas oo la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxaha argagixisada.

Howlgalladan qorshaysan ayey ciidanka PMPF xalay ku qabteen bambooyinka gacanta ee sababa qaraxyada xooggan, gaadiidkii lagu wadey iyo ninkii watay.

War kasoo baxay PMPF ayey ku sheegeen in  hubkaasi ujeedkiisu ahaa in lagu waxyeeleeyo shacabka magaalada Boosaaso.

PUNTLAND POST