Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay ergayga Mareykanka ee geeska Africa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga Gaarka ah ayaa kulanka diiradda ku saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda gobolka iyo xoojinta taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Mareykanku ku taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga , la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilloonida guud ee Gobolka ayaa lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay madax-bannaanida, iyo midnimada dadka iyo dhulka Jamhuuriyadda   Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska raysal wasaraha soomaaliya.

PUNTLAND POST