Maxaa looga hadlay kulankii Madaxweyne Deni iyo reer Nugaaleed?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta beer ku taalla deegaanka 22-aad ee duleedka bari Garowe kulan kula qaatay qaar ka mid ah bulshada gobolka Nugaal.

Kulanka waxaa ugu muhiinsan oo looga hadlay wuxuu ahaa sidii ay u qabsoomi la hayd doorashadii sanadkii hore baaqatay ee goleyaasha deegaanka degmooyinka Garowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan, oo dowladdu sheegtay in ay dhawaan qaban doonto.

Kulanka ayaa la isku afgartay in dib loo furo diiwaangelinta codbixiyeesha degmooyinkaas, si ay uga faa’iidaystaan dadkii ay dhaaftay isu diiwaangelintii hore.

Kulanka inta badan dadkii ka qaybgalay waxay u badnaayeen dad ka agdhow madaxweyne Deni iyo shaqaale dowladeed.

PUNTLAND POST