Dawladda federaalka oo wax ka badashay go’aankii ay ku dalbatay in la xiro xafiiska UNSOM

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa wax ka badashay go’aankii ay ku dalbatay in la xiro lana soo gabagabeeyo howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya gaar ahaana UNSOM, waxayna taas bedelkeeda dalbatay in guddi wadajir ah loo saaro, sidii dib loogu qaabeyn lahaa hawgalka kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa warqad cusub oo ay u dirtay Qaramada Midoobay ku cadaysay in ay diyaar u tahay dhankeeda magacaabida xubno Soomaali ah oo wax ka diyaariya qorshaha kala guurka gaar ahaana UNSOM.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo wada hadal telfoon ay yeesheen xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa heshiis lagu gaaray magacaabida guddi gaar ah oo UNSOM shaqadeeda dib u qaabeeya.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in wax laga bedelo gabi ahaanba hanaanka shaqo ee UNSOM iyo soo dirida ergayga gaarka ah, iyadoo la eegayo dhinacyada saameynta aan fiicneyn ee ajendayaasha qaran ay ku leedahay Qaramada Midoobay, gaar ahaana dhinaca amniga caalamiga ah, Isbedelka cimilada iyo iskaashiga dunida.

Hoos ka akhriso warqada cusub ee dawladda Soomaaliya u diray QM.

PUNTLAND POST