
Ukraine ayaa weerarkii ugu dheeraa masaafo ahaan ku qaaday Ruushka tan iyo intii uu socday dagaalka u dhexeeya labada dal kadib markii ay weerartay warshad sifeeyo saliida oo Ruushku leeyahay.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay qaraxyo ka fuliyay warshad weyn oo lagu sifeeyo shidaalka oo ku taalla gobolka Bashkortostan ee dalka Ruushka, taaso masaafo ahaan u jirta dhulka Ukraine 1,500km, sida ay ku warrameen wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP oo xiganaya ilo-wareedyo sirdoon.
Weerarkan masaafada dheer ee noqonaya howlgalkii u horreyay ee noociisa ah oo Ukraine ay ka gaysato dhulka Ruushka, ayaa tilmaam ka bixinaya suurtagalnimada waji cusub oo uu dagaalka galo.
Ruushka ayaa sheegay in hadii ay dhacdo in loo adeegsado hubka reer galbeedka Ruushka inuu u qaadanayo ku dhawaaqis dagaal, bartilmaameedyo sharci ahna uu u aqoonsan doono dalka hubkiisa loo adeegsado weerarrada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.