Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Madaxweynaha Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa maanya kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya  William Ruto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya, ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dhinacayadda ganacsiga, amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo xasilloonida guud ee gobolka ayaa la sheegay inay ka wadahadleen dhinacyadu.

PUNTLAND POST