Golaha dagaalka Israa’iil oo ansixiyey balaarinta hawlgalka Rafah

Golaha dagaalka Israa’iil ayaa ansixiyay ballaarinta howlgalka ciidanka Israa’iil ee Rafah.

Tan ayaa sare u qaadi karta khasaaraha dhimashada ee weerarrada Israa’iil ay ka gaysanayso Rafah, oo ah goobta u dambeysa ee ay gabaad ka dhiganayeen Falastiiniyiint.

Mareykanka ayaa maalin ka hor ku hanjabay inay joojinayaan hubka ay siinayaan Israa’iil, haddii la ballaariyo howlgalka Rafah, sababo la xiriira weerarrada inay ka dhalan karaan dhimasho aan xad lahayn oo ay la kulmayaan qoysaska deggan teendhooyinka Rafah.

Laakiin sida laga arkay warbixin ay soo bandhigtay warbaahinta Axios, waxaa lagu sheegay ballaarin howlgalka Rafah inan la gaarsiin doonin waxa uu Biden u arko khadka cas.

PUNTLAND POST