
Amiirka Kuwait Mishal Al-Sabah ayaa hadal ka jeediyay telefishinka Kuwait, isagoo ka hadlay go’aanka uu ku kala diray Baarlamaanka oo sidoo kale uu ku laalay qaybo ka mid ah dastuurka.
Wuxuuna amar ku bixiyay in wax laga beddelo dastuurkii 1962-kii markii ugu horreysay abid isagoo ku sababeeyay in loo baahan yahay in dalka la ilaaliyo.
Go’aanka Amiirka ayaa muujiyay inay Kuwait joojisay iskudaygeedii tijaabada hannaanka dimuqraadiyadda.
Wuxuu u sababeeyay inay Baarlamaanka iskudayeen inay isku ballaariyaan go’aamada qaranka, ayna wadaan dhagar ka dhan ah Amiirka, iyagoo isku dayaya inay saameyn ku yeeshaan cidda noqon doonta dhaxal sugaha.
Amiirka ayaa si buuxda ula wareegay arrimaha siyaasadda isagoo laalay dhammaan hay’adaha dimuqraadiga ah.
Sidoo kale waxa uu hakiyay qodobbo kala duwan oo ka mid ah dastuurka muddo illaa 4 sanno ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.