
Israa’iil ayaa billowday inay si joogta ah duqeyn xagga cirka iyo madaafiic ku garaacdo bariga Rafah, halkaa oo loo diray gaadiidka gurmadka deg deg ah.
Duqaynta waxaa barbar socota telefoonno ay soo dirayaan iyo waraaqo ay daadinayaan ciidanka Israa’iil si looga baxo deegaannada bariga Rafah.
Ilaa iyo hada 26 qof ayaa ku dhintay duqeynta ay Israa’iil ka gaystay Rafah, iyadoo ay jiraan dad kale oo ay guryaha ku dumeen, sida ay ku warrantay Al-jazeera.
Amarradan cusub ee daad-gureynta waxay u badan tahay inay sii kordhiyaan dhibaatooyinka nololeed waxayna kordhinayaan fursadaha cudurro badan inay faafiyaan.
Xaalad quus ah ayaa hadda ka jirta magaalada Rafah, gaar ahaan qaybaha bari meelahaas oo ah goobo dadku ku badan yihiin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.