Warbixanadii u horeeyey ayaa ka soo baxay Gantaal kusoo dhacay deegaan u dhow Degmada Taleex

Warbixintii u horreysay ayaa muujisay waxa ku soo dhacay meel aan ka fogeyn degmada taariikhiga ah ee Taleex inuu ahaa gantaal nooca cruise-ka ee loo yaqaan Quds land-attack cruise missile (LACM) oo ay adeegsadaan kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran.

Dhacdadan oo la soo wariyay saacadihii hore ee saakay ayaa muuqaallo iyo sawirro laga soo bandhigay goobta waxaa lagu arkayay burburka qalabka qaraxa sameeyay oo goobta ku dhacay oo dadka deegaanka ay sheegeen inay maqleen dhawaqiisa markii goobta la tagayna ula muuqday diyaarad nooca aan duuliyahan lahayn ah.

Balse sida laga arki karo muuqaallada iyo sawirrada wuxuu u muuqda gantaalka  cruise ee Quds, oo ay kooxda Xuutiyiinta Yemen u adeegsadeen September sannadkii 2019, weerar ay ku qaadeen goobaha saliidda ee Aramco Khurais ee dalka Sacuudiga, weerarka oo lagu eedeyay inay qorsheysay Iran.

Xuutiyiinta waxay mar kale gantaalkan oo la kordhin karo masaafadiisa 1,000 km ee uu gaari karo , adeegsadeen wixii ka dambeeyay dabayaaqadii sannadkii hore oo ay billaabeen weerarrada ay ku qaadayaan Israa’iil iyo maraakiibta ganacsi ee xiriirka la leh.

Ma jirto hadda warbixin rasmi oo laga soo saaray wax baaritaan amni ah oo lagu sameeyay gantaalka cruise-ka  ee soo galay hawada Soomaaliya , kaaso lagu arkay Soomaaliya xilli xalay kooxda Xuutiyiinta ay weerarro ku qaadeen maraakiibta Mareykanka ee ku sugan badda cas , iyadoo Mareykanka uu sheegay inay burburiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta.

PUNTLAND POST.