Deegaanka Kalcad ee degmada Taleex ee gobalka Sool waxaa xalay ku soo dhacday diyaarad nooca wax basaasta ee Drone loo yaqaano.
Drone tan ayaa ku soo dhacday togga Saarre afkii sare oo ah meel magaalada Taleex u jirta 2 Km. Wax faahfaahin ah lagama hayo diyaaradan iyo cidda leh, sidoo kale maamulka SSC-Khaatum weli kama hadal.
Deegaanada gobolka Sool ayaa waxaa isku hor fadhiya ciidanka maamulka SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland ee laga saaray gobolka Sool.




PUNTLAND POST.
You must be logged in to post a comment.