
Maraykanka ayaa cunaqabatayno cusub ku soo rogay dalka Iran islamarkaana bartilmaameedsaday afar qof iyo laba shirkadood oo ay ku eedeeyeen inay ku lug leeyihiin xatooyo dhinaca internetka ah
Qoraal ka soo baxay wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in xubnahani ay batlimaameesadeen tobanaan ka mida shirkadaha Maraykanka iyo hay’ado xukuumi ah, iyaga oo adeegsanaya virus-yo kala duwan.
Wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in xubnahan iyo shirkadahani ay u shaqaynayeen ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan.
Kaaliyaha xoghayaha maaliyadda u qaabilsan arrimaha la dagaalanka argagixisada iyo lacagaha khaldan, Brian Nelson ayaa sheegay in Iran ay sii waddo, inay weeraro ku qaado shirkadaha Maraykanka iyo hay’adaha dowladda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.