
Kadib markii dhawaan iska hor imaadyo rabshado wata ay ka dhaceen degmada Raya Alamata, ee ku taal Koonfurta Tigray, ayaa waxaa soo ifbaxaya cabsida laga qabo in mar kale gobolka Tigray galo colaad cusub.
waxa iska soo daba baxaya baaqyada ka imaanaya qaar ka mid ah safiiradda ku sugan Addis Ababa kuwaas oo walaac xoogan ka qaba in colaaddu ku sii baahdo degaanada kala duwan ee dalka Itoobiya.
Safiiradda dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay Addis Ababa, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xukuumaddu gudato waajibka kaga aaddan ilaalinta muwaadiniinta iyo nabadda guud ee dalka.
War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen safiiradaan ayaa ku baaqaya in xiisadda la dejiyo, lana ilaaliyo dadka rayidka ah ee ku nool degaannada ay dhibaatadu ka dhacday.
Safiirada waxa ay tilmaameen in wada-hadal loo dhan yahay oo ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada ay khusayso inuu yahay hannaanka kaliya ee looga hortagi karo colaadaha kusii fidiya gobolada Itoobiya.
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in dad ku dhaw 29,000 oo qof ay ka barakaceen degmada Raya Alamata kuwaas oo u qaxay magaalada Kobo ee Waqooyiga Wollo iyo magaalada Sekota ee Wag Xamra ee gobolka Amxaarada.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in tiradan ay sii kordhi karto maadaama colaaddu kusii fideyso deegaano hor leh.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.