Muqdisho (Faallo) — Soddon sano ayaa laga joogaa markuu marxuum Cabdiramaan Axmed Cali (Tuur) yimid Muqdisho kuna baaqay in hab federaal uu yahay kan Soomaaliya dib loogu soo dhisi karo burburkii dowladdii dhexe kaddib. Tuur wuxuu la dhashay marxuum Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabbaha waxbarashada Soomaalida gaar ahaan gobollada Waqooyi. Xilligaas suurtaggal ma ahayn in hab federaal uu Soomaaliya uga hirgalo hab Waqooyi iyo Koofur waayo Muqdisho laba qeyb ayay u kala qeybsanayd; Cabdiraxmaan Tuur wuxuu la jiray Jeneraal Caydiid. Hadalkisii waxaa lagu tilmaamaay inuu colaad ka aloosay waqooyiga gaar ahaan beelihii taageeri jiray ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (Somali National Movement).
Mowqifka midnimada Soomaaliya ee Cabdiraxmaan Tuur wuxuu ku qotomay aqoonta uu u lahaa xiriirka caalamiga ah. Isagu muu la dhacsanayn go’aankii degdegga ahaa lagaga dhawaaqay Burco Maajo 18, 1991, kaasoo lagu shaaciyay in Waqooyiga Soomaaliya uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale. Wuu ogaa in go’aankaas kala goynta Soomaaliya aan la isku raacsanayn, uu xitaa ka hor imanayayay dastuurkii ururka SNM oo si cad u taageerayay midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib isaguna si la mid sidaas ayuu midnimada u aamminsanaa. Wuxuu aqoon u lahaa siyaasadda Geeska Afrika. Wuxuu qoray buug ku saabsan Soomaali Galbeed, oo uu ku soo bandhigay xogo aan hore loogu adeegsanin qoraallo taariikheed, ku saabsan sida had iyo jeer Xabashidu uga dadaadili jirtay in la tirtiro jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.
Qaalib iyo Tuur waxay u soo taagnaayeen xilli Xayle Salaase doonayay in Waqooyiga Soomaaliya lagu biiriyo Itoobiya. Tuur danjire ayuu ahaa; Qaalib madax sirdoon dowladdii rayidka ayuu noqday; xilligii dowladdii kacaanka taliyaha ciidanka booliska iyo wasiirkii horumarinta miyiga ayuu soo noqday. Wargeysyadii ka soo bixi jiray Hargeysa kontomaadkii qarnigii 20aad ayaa gaashaanka u duruuray himiladii gurracnayd ee Xayle Salaase. Indheergaradka siyaasadeed ee Hargeysa xilligaas waxay lahaayeen garasho siyaasadeed oo aad u sarreysa kaddib markii Ingriisku ku ballan-furay beelihii Soomaaliyeed uu heshiiska ilaalinta la saxiixday. Ingiriisku wuxuu dhul Soomaalidu ku nooshahay 1954kii si sharcidarro ah ugu wareejiyay Xabashida (Imbradooriyaddii Itoobiya), oo waxaa laga qoray buugag sida The Betrayal of Somalis iyo The Somali Dispute.
Waxyaabaha Tuur iyo Qaalib ogaayeen waxaa ka mid ah in qarannimadu tahay tiir adag oo ilaaliya xuquuqda shucuubta. Tan labaad taageerada ay u muujiyeen qarannimada iyo midnimada Soomaaliyed waxay ku salaysanayd taageerista xaqa qofka Soomaaliyeed u leeyahay dhowrista naftiisa iyo hantidiisa iyo inuu dalkiisa hooyo meeshuu doono kaga noolaan karo. Intaas haddii la waayo ma jirayso qarannimo Soomaaliyeed oo laga hadlayo: haddii qof sheegto inuu magaalo qof kale oo Soomaaliyeed kaga awood-badan yahay, wuxuu doono samayn karo oo aan lala xisaabtami karin, fursadaha dhaqaalaha ka hor istaagi karo qof kale, maleeshiyo beeleed ugu awood-sheegan karo qof kale oo Soomaali ah xaaladdu kama duwana gumeysigii oo kabo loo tolay (Soomaalida ayaa ku maahmaahda waa kudkii oo kabo loo tolay markay arkaan wax ka sii daran wax kale).
Soddon sano kaddib Soomaalidu waxay isa su’aalaysaa sababaha weli isu awood-sheegasho maleeshiyo beeled iyo ciidamo dhinac-ka-raran ay weli halis ugu yihiin xuquuqda qofka Soomaaliyeed. Ma siyaasiyiita Soomaaliyeed ayaa sidan ku heshiiyay mise aamusnaantooda ayaa mas’uul ka ah in sooyaalkii qabqablayaasha aan weli xiddida loo siibin? 2024 sidii 1994 Waqooyiga Soomaaliya waxaa ka taagan colaado u loogi kara dhulka Soomaaliyeed cadaw muddo u hanqal-taagayay. Marxuum Tuur iyo Marxuum Qaalib way ogaayeen in haybta siyaasadeed ee Soomaalida (the Somali political identity) aan la hoosgeyn karin hayb beeleed. Qaranka Soomaaliyeed ilaalintiisa naf iyo maal baa loo huray. Wax hunguri la siisan karo ma aha.
© Puntland Post, 2024
You must be logged in to post a comment.