Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay heshiis badeed la gelayso dalka Itoobiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaantay wararka ku saabsan in ay heshiis dhanka badda ah u saxiixayso Itoobiya

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo lagu magacaabo Cali Balcad ayaa sheegay in wararka ku saabsan heshiiska badda ay yihiin kuwa aan sal iyo raad toona lahayn.

“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.” ayuu boggiisa rasmiga ah ee X, kusoo qoray Cali Balcad.

“Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa madax-banaanideeda dhuleed. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka” ayuu Cali Balcad sii raaciyay hadalkiisa.

Warkan ayaa imaanaya saacado kadib markii mas’uul ka tirsan Kenya laga soo xigtay in dowladdiisu riixayso in Soomaaliya Itoobiyo u saxiixdo heshiis dhanka badda ah.

Korir Singwe, oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid lagu xallinayo khilaafkii labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa markii hore ka dhashay heshiiskii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ee Itoobiya loogu saxiixay qayba kamid ah badda Soomaaliya.

PUNTLAND POST