Safaaradda Mareykanka ee ku taalla Nairobi ayaa sheegtay in ay heshay xog la xiriirta weerarro ka dhici kara goobo ka mid ah Muqdisho.
Safaaradda ayaa tilmaantay in goobaha la beegsan karo ay ku jiraan garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, dekedda, koontaroolada, xarumaha dawladda, hoteelada, makhaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan ajaaniibta reer galbeed ah.
Warbixinta ay soo saartay safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa intaasi ku dartay in weerarrada loo adeegsan karo qaraxyada baabuurta, is-qarxinta, weerar toos, iyo madaafiic.
Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho, ayaa sidoo kale shaqaalaheeda u dirtay wargelin ay ugu sheegayso in la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada safaaradda berri oo Talaado ah 9 April mana jirto cid ka bixi karta ama soo geli karta dhismaha safaaradda, waxaana looga digay saraakiisha Mareykanka in ay berri usoo safraan Muqdisho.
Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa dhankeeda uga digtay muwaadiniinta Mareykanka inay u safraan Soomaaliya, sababo la xiriira dambiyada; argagixisanimada, kacdoonnada shacabka, arrimaha caafimaadka, afduubka, iyo burcad-badeednimada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.