
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aaadanaha Puntland Avv. Siciid Cabdi Muumin.
Kulanka ayaa looga hadlay xaalada xuquuqda aadanaha Puntland, arrimaha amniga iyo Garsoorka.
Sidoo kale, Guddoomiya Xafiska Difaacaha Xuquuqda Aaadanaha wuxuu warbixin kooban ka siiyey Madaxweynaha waxqabadka Xafiiska iyo muhiimada doorka kor-joogtaynta xuquuqda aadanaha.
Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey dedaaladda iyo waxqabadka muuqda ee Xafiiska Difaacaha Xuquuuqda Aadanaha Puntland, wuxuuna dhiirigeliyey horumarinta hawlaha Xafiiska iyo xoojinta wada shaqaynta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.