Ciidanka Booliska Puntland ayaa sida ay sheegeen saacado kooban kadib gacanta ku dhigay eedaysane loo haysto xil xalay ka dhacay magaalada Garoowe.
Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay eedaysane Cabdinuur Bashiir Maxamed oo ku eedaysan dilka marxuum Cabdixakiin Fiqi kaasi oo xalay lagu dilay caasimadda Garoowe.
Warbixin uu soo saaray Taliska Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Howlgal qaatay Saacado kooban oo uu hogaaminayay Taliyaha qaybta boliska G.Nugaal ayaa gacanta lagu dhigay eedaysane Abdinuur Bashiir Maxamed oo ku eedaysan dilka marxuun Abdixakiin Fiqi”.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in marxuumka la dilay ee Cabdixakiin Fiqi uu ka tirsanaa Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal balse faahfaahin dheeri ah kama bixin dhacdadaasi.
“Taliyaha ayaa uga mahadceliyey ehelada eedaysanaha oo.gacan kasiisay soo qabashadiisa
isagoo fariin adag u diray kuwa caadaystay waxyeelaynta muwaadiniinta,sharciguna uu kawayn yahay cidkasta” ayay sii raacisay warbixinta Booliska.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.