Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo sheegay in uu albaabada u laabi doono xafiiska warbaahinta Aljazeera

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa shaaciyay in uu albaabada isugu dhufan doono xafiiska uu Telefishanka Aljazeera ee laga leeyahay dalka Qatar, ku leeyahay gudaha Israa’iil.

Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa sheegay in uu raacaya sharci cusub oo ay soo saartay Israa’iil, kaas oo xukuumadda awood u siinaya inay tallaabo ka qaaddo hay’adaha warbaahineed ee ajnebiga ah ee halista ku noqda amniga qaranka ee dalkaas.

Xildhibaanada Baarlamaanka Israa’iil ayaa dhawaan meel mariyay sharcigaasi oo waddada u xaaraya mamnuucidda Al Jazeera iyo shabakadaha kale ee wararka ee ajnabiga ah oo loo arko khatar ku yihiin amniga qaranka ee Israa’iil.

PUNTLAND POST