Madaxweynaha Puntland oo maanta ku wajahan dalka Imaaraatiga Carbeed

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku wajahan magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga Carbeed.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Deni uu maanta oo Arbaco ah u socdaalayo waddanka Imaaraatiga (UAE) isaga oo sii maraya dalka Itoobiya.

Safarkani ayaa noqonaya kii u horreeyay ee uu dalka kaga baxo tan iyo intii dib loogu doortay xilka madaxweynaha Puntland 8 Jan 2024.

Sidoo kale safarkiisa ayaa imaanaya xilli ay dhawaan Puntland ka hortimid wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya islamarkaana kalsoonidii kala noqotay dowladda Federaalka.

PUNTLAND POST