Dhul-gariirkii ugu xoogganaa oo ku dhuftay jasiirada Taiwan

Dhulgariir cabbirkiisu dhan yahay 7.4 ayaa ka dhacay bariga Taiwan, waana dhulgariirkii ugu xoogganaa muddo 25 sano ah.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay in ka badan 800 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen dhul-gariirkaasi xooggan ee ku dhuftay Taiwan

Dhismayaal badan ayaa ku dumay bariga Taiwan waxaana korontadu ka maqan tahay in ka badan 87,000 oo guri sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Taiwan.

Baraha bulshada ayaa waxaa aad loo soo dhigayey muuqaallo iyo sawirro ka yimid Taiwan oo dhan oo muujinaya dhismayaal liicaya xilliga dhul-gariirku uu ku dhuftay.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhulgariirka uu ahaa kii ugu xoogganaa ee gilgila jasiiradan muddo tobanaan sano ah, waxayna ka digeen dhul gariiro kale oo dhici kara maalmaha soo socda.

PUNTLAND POST