Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Ergey gaar ah oo u qaabilsan Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Ergey gaar ah oo u qaabilsan Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ku magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa  kula dardaarmay Ergayga gaarka ah i in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu  ka shaqeeyo ilaalinta iyo u qareemidda caafimaadka Muwaadiniinta.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha Caafimaadka iyo Nafqada sida ay sheegtay Villa Somalia.

PUNTLAND POST