Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Sacuudiga

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah gaaray dalka Sacuudiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jidda ee dalkaasi Sacaadi Carabiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga labada dal sida ay sheegtay Villa Somalia.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

PUNTLAND POST