Bannaanbax ka dhan ah Ra’iisul wasaare Benjamin Natanyahu oo ka dhacay magaalada Qudus

Tobnaan kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa ka qeybgalay bannaanbax ka dhacay magaalada Qudus, dibadbaxaas oo noqday kii ugu weynaa ee looga soo horjeedo xukuumadda Benjamin Natanyahu.

Dibadbaxyaasha ayaa ku boorriyay dowladda in ay aqbasho xabad-joojin si loo soo daayo Israa’iiliyinta Gaza ugu afduuban Xamaas, iyo sidoo kale in la qabto doorasho waqtigeeda laga soo hor mariyay.

Qoysaska la heystayaasha ayaa rumeysan in waqtiga uu kasii dhamaanayo isla markaana aysan la dhacsaneyn siyaasadda Netanyahu.

Dibadbaxyaasha ayaa ku eedeeyay Netanyahu in uu ku fashilmay weerarki 7-badi October, isla markaana muranki ka dhashay isku daygiisii waxkabaddalka garsoorka ay wiiqday Isra’iil ka hor weerarka.

PUNTLAND POST