Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegay Xarardheere iyo Ceeldheer

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay magaalooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer ee maamul goboleedka Galmudug.

Booqashadan ayaa waxaa madaxweynaha ku weheliya madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, sida ay sheegtay wakaaladda wararka SONNA.

Waa booqashii ugu horraysay ee madaxaweynaha Soomaaliya uu ku tago Xarardheere iyo Ceeldheer tan iyo markii ay qabsadeen ciidamada dawladda bishii Jannaayo 2023-ka.

Toddobaadkii hore ayaa iska horimaad duleedka Xarardheere ku dhexmaray ciidamada dawladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka al-Shabaab, dagaaladaas oo dawladdu ay guulo ka sheegatay.

PUNTLAND POST