Ergeyga Qaramada Midoobey oo sheegtay in dowlad dhiska Soomaaliya halis ku jiro haddaan Puntland laga qayb gelin

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Catrain Laing ayaa sheegtay in Mustaqbalka Soomaaliya uu halis ku jiro, haddii aan Puntland si buuxda looga qayb gelin Hannaanka dowlad dhiska dalka.

“Mustaqbalka Soomaaliya ayaa miiska saaran. Dalka, oo wax badan qabsan karo ayaan horey u sii socon karin haddii aysan Puntland si buuxda oo loo dhan yahay uga qaybgelin” ayay tiri marwo Catrain Laing oo Warbaahinta la hadashay kadib Shir ay Garoowe kula yeelatay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

“Waxaa aad i farxad geliyay in aan madaxweynaha ka maqley in ay ka go’an tahay in uu isku dayayo in arrintan si un looga gudbo si loo xaqiijiyo in uu sii socdo wada-xaajoodka uu la yeelanayo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo in la helo hannaan loo dhan yahay oo dalka oo dhan u wada dhan yihiin si loo xaqiijiyo in marka dambe la helo Dastuur heer federaal ah oo qeexaya isla-markaanna xaqiijinaya mid kastoo ka mid ah dowlad-goboleedyada in ay maamul-hoosaadkooda leeyihiin oo ay qaybtooda ka qaadan karaan” ayay sii raacisay Catrain Laing oo ka warbixinaysay Shirkii ay la qaadatay Madaxweyne Deni.

Ms. Laing ayaa sidoo kale u xaqiijisay in ay Qaramada Midoobey ka go’an tahay la shaqeynta iyo taageeridda dowladda iyo shacabka Puntland “Madaxweyne Deni waad ku mahadsan tahay in aad diyaar u tahay sidii xal loogu heli lahaa ismari-waaga hadda taagan. Annagana, ka QM ahaan, anigoo adeegsanaya xafiiskeyga,waxaan halkan u joognaa in arrintan si un looga gudbo”.

Halkan ka akhriso Khudbadda Catrain Laing oo Af-Soomaali ah

PUNTLAND POST