Beesha Caalamka oo ku baaqday in wadar oggol lagu dhammaystiro dastuurka Soomaaliya

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in hannaan loo dhan yahay oo wadar oggol ah loo maro dhammaystirka dastuurka Soomaaliya.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayay ugu baaqeen dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya in geeddi-socod loo dhan yahay loo maro dhammaystirka dastuurka dalka.

“Waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileeyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisidda  wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Beesha Caalamka.

Baaq ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa imaanaya iyadoo khilaaf xooggan uu ka dhashay wax ka beddelkii lagu sameeyay qodoba kamid ah dastuurka Soomaaliya oo ay ka horyimaadeen Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah.

PUNTLAND POST