
Tan iyo wixii ka dambeeyey, markii uu Markab jiidhay, buundada isku xidha Washington DC iyo Baltimore, waxaa soo badanaya walaaca laga muujinayo, heerka bedqabka buundooyinka Maraykanka.
Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee AP, ayaa lagu falanqeeyey in ka badan 621,000 oo buundo oo Maraykanku leeyahay, kuwaas oo dhererkoodu ka badan yahay illaa 20 feet.
Buundooyinkaas ayaa 42,400 oo ka mida la sheegay in xaaladdoodu aanay wanaagsanayn, waxaana maalin walba isticmaala illaa 167 million oo gaadhi, sida ay sheegtay dawladda Maraykanku.
Inta badan buundooyinkan, ayaa da’doodu ay gaaraysaa illaa 70 sannadood.
15,800 oo ka mida buundooyinkaas ayaa toban sano ka hor, la diiwaangeliyey inaanay xaaladoodu wanaagsanayn, sida ay ogaatay wakaaladda wararka ee AP.
Gobolka Iowa ayay ku yaallaan buundooyinka ugu badan ee xaaladooda laga dayriyey, halka gobollada ku soo xigaa ay yihiin Pennsylvania, Illinios iyo Missouri.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.