
Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay nuqulka rasmiga ah ee cutubyadii dastuurka ee isbeddelka lagu sameeyay.
Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii shalay u codeeyay wax ka beddelka lagu sameeyay afar curub oo kamid ah dastuurka Soomaaliya.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-ka beddelka cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka JFS”.
“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisida hay’ado dowladeed oo hufan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Wax ka bedelka Dldastuurka ayaa waxaa ka horyimid dowladda Puntland iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweyne yaashii hore ee Soomaaliya ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Sheekh Shariif Sheekh.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.