Dowladda Puntland oo Aqoonsigii iyo Kalsoonidii kala laabatay dowladda Soomaaliya

Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay aqoonsigii iyo kalsoonidii kala noqotay hay’addaha dowladda Federaalka inta laga helayo Hannaan Federaal oo dhameystiran oo Soomaali heshiis ku tahay.

“Dawladda Puntland waxay kala noqotay aqoonsigi iyo kalsoonidii hay’addaha
Dowladda Federalka ah inta laga helayo hannaan dastuur dhamaystiran oo Soomali heshiis kuwada tahay, Puntland-na qeyb ka tahay”.

“Dowladda Puntland waxay yeelanaysaa awood dowlad dhamaystiran oo madax bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, lehna dastuur Soomaali heshiis ku tahay, afti dadweynena loo qaaday oo ay Puntland qayb ka tahay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Shir deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Puntland.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in Xasan Sheekh Maxamuud uu buriyey dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee isaga lagu doortay laguna dhaariyey, sidaasi darteedna uu lumiyey sharciyadii dastuuriga aheyd ee Madaxweynanimo.

“Dowladda Puntland waxay si toos ah ugala xaajoonaysaa Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah arrimaha la xariira danaheeda” ayaa sidoo kale lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Puntland.

Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka Puntland

PUNTLAND POST