Maraykanka oo Israa’iil siinaya bambooyinka halista ah iyo diyaaraha dagaalka ee wax duqeeya

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa mar kale ku celiyay hadalkiisii ​​ahaa in waddamada Carabta ay sugayaan kaliya dagaalka Qasa in la soo afjaro si ay u aqoonsadaan Israa’iil.

Waxyar kaddib Hadalka Biden, wargeyska Washington Post ayaa soo bandhigay in uu si qarsoodi ah Mareykanka u ansixiyay bambooyin iyo diyaaraha dagaalka oo la siinayo Israa’iil.

Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in bambooyinkaasi ay ku jiraan 1,800 oo bam gaar ahaan noocyada MK82 iyo MK84, oo miisaankoodu u dhaxeeyo 500 illaa 2000 rodol.

Maamulka Biden ayaa maalmihii la soo dhaafay si aamusnaan ah u oggolaaday in balaayiin doollar oo bambaanooyin iyo diyaaradaha dagaalka lagu wareejiyo Israa’iil.

Israa’iil ayaa dhankeedaa isku diyaarinaysa inay duulaan ku qaado halka ay u qaxeen dadka ka barakacay Qasa ee Rafah oo la qiyaasayo in ka badan hal milyan iyo bar dad ah inay halkaa gabaad u tahay.

PUNTLAND POST