
Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh ugu codeeyay afarta cutub ee wax ka badalka Dastuurka dalka
Kulanka ayaa waxa soo xaadiray 254 mudane oo isugi jiray 212 Xildhibaan oo golaha Shacabka ah iyo 42 Senator oo aqalka sare ah.
212 Xildhibaan Golaha Shacabka ah iyo 42 Aqalka Sare ayaa u coddeeyay afarta cutub ee wax ka badalka Dastuurka, ma jirin wax diiday ama ka aamusay sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha.
Wax ka beddelka dastuurka ee la ansixiyay qodobada ku jira waxaa kamid ah in Madaxweynuhu Ra’iisul wasaaraha magacaabo, xilkana ka qaadi karo iyo in dalku yeesho saddex xisbi oo keliya.
Waxa sidoo kale ku jira in wixii hadda ka danbeeya madaxda dowladda Federaalka lagu soo doorto doorasho qof iyo cod ah, halka Madaxda dowlad goboleedyada loogu yeeri doono hoggaamiyaal.
Puntland, madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ayaa diiddan wax-ka-beddelkan, isla markaasna sheegey in aysan dhaqan-gal noqon doonin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.