
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alper Aktaş.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mudane Xamse Cabdi Barre iyo Danjire Alper Aktaş ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo Iskaashi ee ka dhaxeeya labada dalka.
“Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo Iskaashi ee ka dhaxeeya labada dalka”.
“Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Turkigu uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya kaas oo xilliyo adag soo garab taagnaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa tilmaamay in uu sii xoojin doono xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dalka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed soo dhaweyntooda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.