Ra’iisal wasaaraha Israa’iil oo ka horyimid qaraarkii xabbad-joojinta Gaza ee Qaramada Midoobey

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka horyimid qaraarkii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ee ku baaqayay in heshiis xabbad-joojin oo degdeg laga sameeyo marinka Gaza.

Ra’iisal wasaare Netanyahu ayaa sheegay in uu sii wadayo qorshihiisa uu ku doonayo in uu meesha kaga saaro Xamaas waxaana uu dalabaadka Xamaas ee xabbad-joojinta shardiga u ah ku tilmaamay in ay yihiin kuwo dhalanteed ah.

Waxa uu intaasi raaciyay in uu sii wadayo dagaalka illaa uu ka gaarayo ujeedada ay u qaadeen, oo ay ka mid tahay in la sii daayo maxaabiista, in la burburiyo awoodda milateri ee xamaas, isla markaana ay tahay in ay hubiyaan inaanay Gaza noqonin meel halis ku ah amniga Israa’iil.

Sarkaal sare oo u hadlay Xamaas ayaa isagu sheegay in ay la wadaageen kooxaha dhexdhexaadinta wada, in aanay waxba iska bedelin dalabaadkoodii hore ee ahaa, in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo marinka Qaza iyo in la isdhaafsado maxaabiista Israa’iil iyo kuwa Falastiinyiinta ee ay Israa’iil gacanta ku hayso.

PUNTLAND POST