
Bannaanbax abaabulan oo lagu taageerayo wax-ka beddelka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Bannaanbaxa oo ay soo abaabushay dowladda Federaalka Soomaaliya laguna qabtay bartamaha Muqdisho ayaa imaanaya xilli uu muran xooggan ka taagan yahay hannaanka wax-ka beddelka dastuurka ee Villa Somalia waddo.
Hadallo kala duwan oo laga jeediyay bannaan-baxa ayaa lagu sheegay in dhawaan la ansixin doono wax-ka beddelka dastuurka KMG ah ee dalka, xilli aan weli xal loo helin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrintaasi.
Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, siyaasiyiinta mucaaridka ah, madaxdii hore ee dalka qaarkood iyo xukuumadda Puntland ayaa dhammaantood diidan sida loo wado hannaanka wax ka beddelka dastuurka.
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawaan Garoowe kula shiray madaxda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ay qaban-qaabinayaan shir wada-tashi oo looga hadlayo arrinta dastuurka.
Dhinaca kale madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku adkaysanaya in uu meel-marin doono wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee muranka xooggan ka taagan yahay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.