
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa shan gantaal oo nooca ballistic-ga ah ku weerarray markab shidaalka qaada oo lagu magacaabo M/V Huang Pu.
Markaba ayaa la weeraray xilli uu marayay badda cas, kaaso ku socdaalayay calanka Panama, balse laga leeyahay Shiinaha, sida u lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahiyeen taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka.
Markabka ayaa la sheegay mid ka mid ah gantaalada inuu ku dhacay kaaso dhaliyay dab ka kacay qayb ka mid ah markabka, oo si dhaqso ah loogu guuleystay in la damiyo, wuxuuna sii watay socdaalkiisa, sida warbixinta lagu sheegay.
Weerarka markabkan la sheegay in laga leeyahay Shiinaha ayaa ku soo aaday , xilli la sheegay Xuutiyiinta inay heshiis caalami ah la gaareen Ruushka iyo Shiinaha , kaaso dhigaya inaysan weerarrin maraakiibta labada dal laga leeyahay iyo kuwa xiriirka la leh oo dekedahooda ku socda , halka Xuutiyiinta ay ka helayaan taageerro caalami ah labadan dal ee codka qayaxan ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.