Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegay in uu booqanayo degaannada SSC-khaatumo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in uu dhawaan booqan doono degaannada SSC-khaatumo.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sheegay in uu Safarkiisa degaannada SSC kala hadlay hoggaamiyaha Maamulka Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye islamarkaana uu halkaasi tegi doono Ramadaanta kadib.

“Aniga iyo hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye waxaan ka wada-hadalnay oo aan isku sheegnay in ay qurxoon tahay inaan dib usoo noqdo marka kulanka uu halkan ka dhacaayo aan waqti fiican ku imaado Khaatumo”.

“Waxaan ka bilaabeynaa magaalada Laascaanood, Buuhoodle, Guumeys, Carooley iyo wixii suurtagal ah oo deegaanadaas ah oo aan dadka la kulano” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaan rajeynaayaa inaan sida ugu dhaqisyaha badan ugu soo noqdo Puntland, kadibna aan socdaalkaas ku bixiyo Khaatumo, haddii uu alle yiraado” ayuu mudane Farmaajo sii raaciyay hadalkiisa.

PUNTLAND POST