Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in gacanta lagu shigay Shabakad loo haysto Weerarkii Hotel SYL ee Muqdisho

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigtay 16 eedaysane oo loo haysto in ay ku lug lahaayeen Weerarkii Hotel SYL Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hay’adda NISA ku guulaysatay qabashada Abdinasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurta-galiyay in Muqdisho la soo geliyo Gawaaridii falka argagixiso lagu gaystay.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay in ay soo qabato Abdinasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurta-galiyay in magaalada ay soo galaan Gawaarida falka argagixiso lagu gaystay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sidoo kale NISA qabatay ilaa Afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada Gaari ee Argagixisadu u adeegsatay weerarka Hotelka SYL.

“Sidoo kale dadka la qabtay waxaa ka mid ah ilaa iyo Afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada Gaari ee Khawaarijtu u adeegsatay weerarka Hotelka SYL” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale tilmaantay in baaris ay ku socoto Shan xubnood oo ka tirsan ciidamada ammaanka dowladda kuwaas oo ka shaqaynayay baraha baaris ee Argagixisadu ay ka soo gudbeen.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa lala wadaagi doonaa caddaymo dhammaystiran kuwaas oo  muujinaya dhagarta Shabakaddan Khawaarijta ah iyo gungaarka hay’adaha baarista”

“Dhammaan Shabakadda Khawaarijta ah ee la qabtay iyo eedeysaneyaasha kale ee loo haysto kiiskan waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda shaqada ku leh, waxaana ay hortagi doonaan cadaaladda” ayaa lagu geba-gabeeyay War-saxaafadeedka.

Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST