Saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu laayay weerar saaka ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

Wararka ka imaanaya degaanka Busleey oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in saaka uu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo khasaare xooggan dhaliyay.

Maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar xooggan oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday degaanka Busleey oo ay saldhigyo ku lahaayeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus oo ka dhacay halkaasi ay ku dhinteen saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa degaanka Busleey islamarkaana weli la la’ yahay askar iyo saraakiil kale.

Taliye Liibaan Golcad oo kamid ahaa saraakiisha Sare ee Ciidamada dowladda ayaa kamid noqday saraakiisha dagaalkaasi ku dhintay sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadka Shabaab oo saacado kooban qabsaday degaanka Busleey ay dab qabad siiyeen gaadiid dagaal iyo cagaf cagafyo ay lee yihiin ciidamada dowladda.

Ciidamo gurmad ah oo ka baxay Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa in ay markii danbe gaareen degaankii saaka lagu dagaallamay welina dowladda Soomaaliya kama hadlin khasaaraha weerarka.

PUNTLAND POST