Madaxweyne Deni oo Garoowe ku soo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray magaalada Garoowe

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo ka soo amba-baxay magaalada Muqdisho, waxaa safarka ku wehelinayay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo wefdigiisa, sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo labaduba hadda ku sugan Garoowe ayaa sida wararku sheegayaan la-tashi ugu yimid Madaxweyne Deni oo ay isku mawqif ka yihiin diidmada Wax-ka beddelka dastuurka dalka ee Villa Somali waddo.

PUNTLAND POST