Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe.
Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka soo amba-baxay magaalada Muqdisho, waxaa safarka ku wehelinayay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo iyo wefdigiisa, sida ay sheegtay Madaxtooyada Puntland.
“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.
Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne hore Farmaajo uu Garoowe u yimid Arrimaha la xiriira Khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan hannaanka ay Villa Somalia u waddo Wax ka beddelka Dastuurka KMG ah ee dalka, oo ay si weyn u diidan yihiin Deni iyo Farmaajo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.