Shirkadda META oo sheegtay dadka jooga Kenya ay lacag ka samayn doonaan Facebook iyo Instagram

Shirkadda Meta ayaa ugu bishaareysay dadka jooga Kenya in ay adeegyada shirkadda lacag ka samayn karaan laga bilaabo bisha June ee sannadkan.

Shirkadda Meta ayaa shaaca ka qaaday in laga billaabo bisha June ee sannadkan dadka Kenya jooga ay awood u heli doonaan in ay dhaqaale ka sameeyaan adeegyada xayaysiinta ee laga helo muuqaallada lagu baahiyo Facebook iyo Instagram (monetisation), tan oo aan ka jirin inta badan Afrika.

Dadka muuqaallada ka sameeya lacagta ayaa markii hore  barahooda bulshada laga maamulli jirey waddamada kale ee laga ogolyahay, dadka ka faa’iideysan doona fursadda cusub waxaa ka mid ah Soomaalida oo inta badan ay dhallinyarada hadda ku jiraan Facebook iyo Instagram.

Madaxweynaha Kenya , William Ruto oo ay dhinac joogeen , wakiillo ka socda Meta ayaa go’aankan kaga dhawaaqay Nairobi , kaddib heshiis ay dowladda Kenya la gashay shirkadda Meta, waxayna tani ka mid ahayd arrimaha dadaalka la galiyay si dhallinyarada fursado shaqo oo dhaqaale badan loogu abuuro, dawladana ay dhaxal-siiso in ay ka hesho canshuur.

PUNTLAND POST