
Ciidanka booliiska maamulka Galmudug ayaa koonfurta magaalada Gaalkacyo ku qabtay laba gaari hoomey ah , kuwaas oo sida la sheegay sahay u waday Shabaab.
Gaadiidka Booliska Galmudug qabteen ayaa la sheegay in ay ku rarnaayeen daawo, raashin iyo agabyo kale oo la sheegay in ay dalbadeen maleeshiyaadka Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Mudug.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Galmudug ayaa laga soo xigtay in gaadiidka la qabtay ay ku sii jeedeen degaann dhaca koonfurta Galmudug.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa sidaan oo kale horey gacanta ugu dhigay gaadiid kala duwan oo sahay u waday degaanno ay maamulaan Al shabaab gaar ahaanna Koonfurta Gobolka Mudug.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.