
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Galabta magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Agaasimaha Bangiga dhexe, Gudoomiyaha Hanti-dhawrka iyo Agaasimaha wasaaradda dhalinyarada.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland u magacaabay mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan, halka uu Cismaan Maxamuud Cali Qaroofey u magacaabay gudoomiyaha xafiiska hanti-dhawrka Puntland.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale shaqa ka joojin ku sameeyey Dhammaan Guddoomiye Ku-xigeennada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayuu sidoo kale Madaxweynuhu u magacaabay Cabdirisaaq Aadan Warsame, halka uu Khadar Cabdi Axmed u magacaabay Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee dowladda Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.