
Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa maanta qaabbilay wefdi ka socda Hay’adda Duulista Rayidka Dalka Masar iyo shirkadda diyaaradaha ee Egypt Air.
Socdaalka wefdiga ayaa lagu tilmaamay mif bilow u ah qorshaha lagu diyaarinayo duulimaadyo ay ka bilowdo garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, shirkadda duulimaadyada Egypt Air.
“ Waxaan isla bilownay qiimeynta la xiriirta surtagalnimada ay duulimaad toos ah uga billaabayso Muqdisho , shirkadda diyaaradaha Egypt Air, kaaso noqonaya Muqdisho iyo Qaahira ,” ayuu yiri Maareeyaha guud, Axmed Macallin.
Wefdiga ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xafiisyada xarunta dhexe ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.
Egypt Air, ayaa ku biiraysa shirkadda duulimaadyada Saudi Airlines, oo sidan oo kale wafdi usoo dirtay Muqdisho toddobaadyo ka hor si ay qiimeyn u sameeyaan, labadan duulimaad ayaa la filaya in la billaabo ka hor dhammaadka sannadkan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.