Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay Qaraarka Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Islaam Nacaybka

Dawladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku ansixiyey qaraarka oggolaanaya La-Dagaalanka Islaam Nacaybka, iyo magacaabista ergay gaar ah oo Xoghayaha Guud ee Qaramad Midoobay u qaabilsan inuu ka shaqeeyo La-dagaalanka Islaam Nacaybka.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arirmaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid muhiim ah oo hoosta ka xarriiqaysa in dunida si wadajir ah ula dagaalanto nacaybka iyo cadaawadda ka dhanka ah bulshooyinka Islaamka.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay garawsan tahay doorka muhiimka ah ee ergaygaasi uu ka qaadan doono ilaalinta xuquuqda iyo sharafta mujtamaca Muslimiinta ah iyo horumarinta mabaadii’da sinnaanka iyo caddaaladda ee fagaarayaasha caalamka.

Golaha Guud ee Qaramada Midobay ayaa Jimcihii u codeeyey go’aankaas oo ay oggolaadeen 115 waddan oo ka mid ah Qaramada Midoobay halka ay ka aamuseen 44 xubnood, iyadoo aysan jirin cid kaoso horjeesatay.

Golaha Guud ee Qaramada Midiibay ayaa dhalleeceeyey hurinta faquuqa, cadaawadda ama gacan ka hadal ka dhan ah Muslimiinta sida laga arkay dhacdooyin meel looga dhacay laguna gubay kitraabka Qur’aanka kariimka ah, weerarrada masaajidda, nacaybka iyo ficillo kale.

PUNTLAND POST