Madaxweynaha Soomaaliya oo saagootiyay dhaawacyadii Weerarkii Hotel SYL kadib u safray dalka Ereteriya

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii Hotelka SYL Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ku sii sagootiyey dhaawacyadaasi oo xaaladdooda caafimaad lagu soo daaweynayo dalka dibaddiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale Maanta shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Soomaaliya sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Villa Somalia.

“Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

PUNTLAND POST