
Ugu yaraan 34 qof oo tahriibayaal ah ayaa la la’yahay 2 kalana waa ay dhinteen, kadib markii doontii ay la socdeen ay kula degtay xeebaha dalka Tunisia.
Tahriibayaasha doonayay in ay sii maraan badda Mediterranean-ka una sii gudbaan dhanka Talyaaniga, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Tunisia.
Doontan oo kasoo shiraactay xeebaha Liibiya ayaa siday 70 qof, waxaana 34 qof laga soo badbaadiyay magaalada Zarzis ee koonfurta dalkaasi.
Ugu yaraan 1,313 muhaajiriin ah oo ah tiradii ugu baneyd hal sano ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen ama lagu waayay xeebaha Tunisia sanadkii hore.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.